Kenya oo ku dhawaaqday baroordiiq Qaran & madax ka hadashay Geerida Moi

Kenya ayaa ku dhawaaqday baroor diiq qaran oo aan la cayimin wakhtiga ay dhamaaneyso ka dib geeridii ku timid hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa dakaasi Daniel arap Moi.

Geeridiisa waxaa shaaciyay madaxweynaha haatan xukunka haya Uhuru Kenyatta, isagoo ku dhintay isbitaal ku yaalla Nairobi.

Baroordiiqda ayaa billaabanysa maanta waxayna socon doonta ilaa iyo inta laga aasayo, Lama shaacinin wali wakhtiga aaskiisa la qaban doono.

Wadooyinka gala goobta la dhigay meydka Moi ayaa la sheegay in la xiray saaka, lagana joojiyey gaadiidka iney maraan.

Mr Moi ayaa lagu daweynayay isbitaal ku yaalla bartamaha Nairobi, waxaana la sheegay inay qoyskiisa la joogeen.

Qaar ka mid ah madaxda afrika ayaa ka hadlay geerida Moi waxaana ka mid ah Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Arap Moi, isagoo sheegay in Moi uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii uu ka dayan jiray markii uu ardeyga ahaa.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa tacsi u diray qoyska madaxweynihii hore ee geeriyooday ee Kenya, Daniel Arap Moi, iyadoo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter uu isna sheegay in Mareykanku barbar taagan yahay dadweynaha Kenya xilligan lagu guda jira baroordiiqda Moi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -