Allbanaadir.com
NEWS

Maamul goboleedkii labaad oo mamnuucay in Fagaarayaal iyo Masaajida lagu dukado Salaada Ciida

Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in fagaarayaal iyo masaajida kuyaala deegaanada maamulkaasi lagu dukado salaada ciidul fidriga.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in la mamnuucay in fagaarayaasha iyo masaajida lagu dukado salaada ciida si looga hortago faafitaanka cudurka Caronavirus.

Waxa uu sheegay Wasiirka in talaabadan u qaadeen si looga hortago in uu sii faafo cudurka caronavirus oo kiisas badan laga helay deegaanada maamulka Puntland sidoo kale dad ugu dhinteen.

Wasiirka Cadaalada maamulka Puntland ayaa sidoo kale shaaciyay in Ciida kadib dib loo furi doono dugsiyada Quraanka lagu barto, waxa uuna sheegay in shuruudo lagu xiri doono dugsiyada Quraanka ee dib loo furayo.

Maamulka Somaliland ayaa sidaan oo kale u mamnuucay in masaajida iyo fagaarayaasha deegaanadaasi lagu dukado salaada ciida, waxaa sidoo kale maamulkaasi mamnuucay goobaha caruurta dalxiis ahaanta loo geeyo maalmaha ciida.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka biyo diiday Qorshe uu watay Madaxweyne Farmaajo (Xog)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Ammaanka iyo Maaliyadda danna u ah bulshada

Cabdi Cade

Hoggaamiyaha Xamaas oo ka hadlay dilka ciidamada Israel u geysteen caruurtiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---