Duqeyn kale oo galabta lala beegsaday Al-Shabaab & DF oo War ka soo saartay

Dowlada Somalia ayaa caawa soo saartay war-saxaafadeed ay ku faahfaahisay duqeyn galabta ciidamada Maraykanku ka fuliyeen gobolka Jubada hoose degmada Jilib.

War-saxaafadeedka oo ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee xukuumada Somalia ayaa u qornaa:-

Galabta 24-ka Feberaayo 2020, ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka Mareyka ee AFRICOM duqeyn cirka ah ku qaadeen fariisimo kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ay kaga sugnaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Weerarkaan oo habeysnaa ayaa lagu dilay mid ka mid ah argagixisada Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa taxadar dheeri ah ka muujiyay in la ilaaliyo waxyeelo soo gaarta shacabka inta lagu jiro la dagaalanka kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab, iyada oo si buuxda loo baarayo eed walba oo soo baxda. Ilaa hadda ma jirto cid shacab ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Duqeyntaan ayaa ah mid garab lagu siinayo dadaalada ay waddo DFS ee ay uga takhalusayso gabood-fallada argagixisada isla markaana loo-gogolxaarayo mustaqbal wanaagsan oo ay hesho bulshada Soomaaliyeed

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xoogga Dalka, Danab iyo jaalkooda Dowladda Mareyka ayay ka go’antahay la dagaalanka argagaxisada Alshabaab iyada oo aan loo aabayeelayn lab iyo dheddig, si loo baajiyo dhimashada dadka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruurta ku nool Soomaaiya iyo dalalka deriska la ah. Dadaalada aan wadno ee aan ku badbaadinayno shacabka ayaa aad uga duwan weerarrada aan loo meel dayin ee Alshaab ku qaadaan goobaha shacabka ku badanyahay ee Soomaaliya.

Duqeyntan lala tiigsaday xuddunta Alshabaab ayaa tusaale u ah in aysan Alshaab meelna ku baxsan karin. DFS iyo bahwadaagteeda Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa soo afjaraya kuwa argagaxinta iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -