Boqortooyada Sacuudiga oo Xukun dil ah ku fulinaysa Sadex Wadaad oo caan ah

Dowlada Sacuudiga ayaa qorsheeneysa in Xukun dil ah ku fuliso sadex wadaad oo caan ka ah dalkaasi ,wadaadan ayaa dowlada ku eedeesay in ay ku lug leeyihiin falal la xariira argagaxisinimo.

Wadaadkan u xiran Boqortooyada Sacuudiga oo kala ah Salman al-cawdah, Cawwad al-Qarni iyo Caoli al-Cumari, ayaa ku xiran xabsi kuyaala magaalada Riyadh, waxa ayna wajahayaan eedeymo culus oo dowlada kusoo oogtay.

Shiikh Salmaan Alcowda oo aqoonyahan iyo wadaad caan ka ah Sucuudiga ayaa la xiray bishii September 2017, kadib markii uu ka horyimid xayiraadii ay Xulufada Sucuudiga iyo Imaraadku ay ku soo rogeen wadanka Qadar.

Ilo katirsan dowlada iyo sidoo kale qoysaska wadaadkan xiran ayaa laga soo xigtay in dowlada Sacuudiga wado qorshe ay ku dileyso sadexdan wadaad marka ay dhamaato bisha barakeesan ee Ramadaan.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukuno kala duwan ku fulisa wadaadada iyo dadka kale ee ka aragti duwan , waxa ay sidoo kale dowlada xukuno horey ugu fulisay wadaado iyo dad kale ay ku eedeesay kacdoono iyo arimo la xariira argagaxisinimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -