Ciidamada Somaliland oo soo bandhigay Cududooda iyo hubka ay heestaan (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray kulliyadda tabobarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne oo ay ciidamada qalabka sidaa siyaabo kala duwan ugu soo bandhigeen cududdooda ciidan iyo saanadda ciidan ee ay haystaan.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan taliyayaasha ciidamada Militeriga, Asluubta iyo Booliska, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo madaxda gobolka Maroodi-jeex, ayaa kormeerkiisa, kusoo indho-indheeyey tabobarrada kala duwan ee ka socda kulliyada ciidamada ee Cabdilaahi Askar oo ay ku jiraan Dufcaddii labaad ee carbinta shaqo-qaran iyo Saraakiil kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ciidanka, waxana halkaas lagu soo bandhigay Gaadiid gaashaaman oo ay taangiyo ku jiraan, kuwaas oo ay leeyihiin ciidamada militerigu iyo gawaadhi cusub oo ay leeyihiin ciidanka Boolisku.

Ugu horrayn macallimiinta iyo madaxda kala duwan ee kulliyadda Cabdilaahi Askar, ayaa halkaas madaxweynaha kusoo dhaweeyey, waxana uu madaxweynuhu salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka qaranka oo madasha diyaar ku ahaa, isaga oo kormeer kusoo sameeyey Gaadiid gaashaaman oo Tigniko iyo Taangiyo isugu jira oo ay goobta kusoo bandhigeen guuto ka tirsan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasibadda, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidamada kala duwan ee qalabka sida, gaar ahaan kuwa goobta kusoo bandhigay cududdooda iyo agabkooda ciidan, ardayda ku jirta Carbiska shaqo qaranka iyo weliba saraakiisha kala duwan ee halkaas lagu tabobaro.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu sharraxay ujeeddada booqashada uu ku tegay xarunta tabobarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar,

“Maanta waxa aan halkan u imi, maaddaama oo xanuunka jira ee COVID-19 dartii aynaan u samayn Karin dhoolla-tus ciidan oo ciidamada mid waliba halkiisa ku negaaday, waxannu door bidnay inaanu u nimaadno inay halkan joogaan ardaydii ku habboonayd inay metelaan ciidamada ee soo koroysay, haddii ay yihiin layli sarkaal iyo shaqo qaranba, iyo guuto kamid ah guutooyinka ciidanka oo qolada Taangiisteyaasha iyo Tignikadu ugu horreeyaan oo ahaa kuwii u diyaar garoobayey inay maraan sannadkan suuqyada magaalada,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu in waxyaabaha lagu barto kulliyadaha kala duwan ee ciidanka ay kamid yihiin sahaminta iyo hilaadinta maalmo ka wanaagsan kuwa haatan lagu jiro, iyada oo aan marnaba maanka laga saaraynin wixii shalay lasoo maray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Halkan waxa lagu bartaa higsiga Berrito Somaliland tan maanta ka wanaagsan, iyada oo aan la ilaaweynin wixii shalay dhacay, haddaad raadiso uun berrito oo wacan oo waxyaabaha qaarkood aad laacdo adiga oo illaawey wixii shalay kusoo maray iyo wixii dhacay, khalad baad gelaysaa, markaa waxa lagu tabobaraa halkan qofku inuu horumarka noloshana higsado, islamarkaana uu ogyahay wixii shalay dhacay oo uu labada isku xidho, markaas ayuu noqon karaa, sarkaal, Askari iyo muwaaddin dalkiisa iyo dadkiisa anfaca oo wax walba u qabta.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -