Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Galmudug oo Warbaahinta la Ogeysiiyay in ay Fasax yihiin !!!

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaan wax shaqo ah qaban bilihii lasoo dhaafay, waxa uuna Baarlamaanka u kala jabsanaa labo garab oo kala taageersanaa Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka  Galmudug Cali Gacal Casir ayaa Warbaahinta ka Ogeysiiyay Xildhibaanada Galmudug in ay fasax yihiin, waxa uuna sheegay in Baarlamaanka uu isku soo laaban doono Bisha Febraayo ee sanadka cusub.

Dad badan ayaa isweeediiya Baarlamaanka Galmudug waxa uu kaga duwan yahay Baarlamaanada kale, waxaana muuqaneysa in uu yahay Baarlamaankan midka ugu liita kuwa maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Baarlamaanka Galmudug ayaan laheyn kal fadhiyo la xiro iyo kuwa la furo, sida hada dhacday Kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug ayaa laga xiray Warbaahinta , waxaa sidoo kale Xildhibaanada laga ogeysiiyay Warbaahinta in ay fasax yihiin.

Waxaa la isweediinaa miyeysan jirin Munaasabad xiritaan iyo mid furitaan Baarlamaanka Galmudug ?, mana ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale Warbaahinta laga shaaciyo in Baarlamaanka Galmudug fasax galayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Shiinaha oo Jawaab adag ka bixisay Go’aankii Madaxweyne Trump

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay ciyaartoy ka timid degaanada Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka dhoofay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---