Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah : Qarax Ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay Muqdisho 

Qarax Ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa saakay ka dhacay barxadda hore ee Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ismiidaaminta ayaa waxaa fuliyay ruux jaakad waxyaabaha qarxa xirnaa, waxa uuna isku qarxiyay goob ciidamada booliiska ay ku sameenayeen rucleyn.

In ka badan 5-askari oo katirsanaa ciidanka booliiska ayaa qaraxan ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale, waxaana suurto gal ah in khasaaraha uu kasii bato inta hada la ogyahay.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa dambi baarista ayaa Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye kawada baaritaan ku aadan qaraxa saakay ka dhax dhacay iyo waliba cidii ka dambeysay.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo si adag uga hadashay Ciidamo la sheegay in dowlada ka qoraneyso Mudug

Cabdi Cade

Caa’isha Maxamed oo mar kale loo magacaabay in ay noqoto Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya

Cabdi Cade

Israel oo waaberigii saaka Gantaalo ku weerartay Magalada Dimishiq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---