Allbanaadir.com
NEWS

Askar Mareykan ah oo qirtay in ay ku lug lahaayeen Afgembi fashilmay

Dowlada Venizuela ayaa soo bandhigtay muuqaal lagu duubay labo askari hore oo Mareykan ah oo lagu qabtay Gudaha Venizuela kuwaa oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay.

Labadan askari ee u dhashay dalka Mareykanka iyo muwaadiniin kale oo u dhashay Venizuela ayaa la qabtay maalmo kahor xili la sheegay in ay wadeen qorshaha afgembi xilka looga tuurayo Madaxweyne Nicolás Maduro.

Dowlada venizuela ayaa sheegtay in labadan asari ee u dhashay Mareykanka ay ahaayeen calooshood u shaqeestayaal qandaraas kusoo qaatay in ay afgembi ku sameeyaan Madaxweyne Maduro kadibna u dhoofiyaan dalka Mareykanka.

Muuqaal laga sii daayay telefishinka Qaranka Venizeula ayaa Mr Denman, oo ah 34-jir Mareykan ah ku sharaxay ujeedka u yimaadeen dalka Venizuela , waxa uua sheegay in ujeedkoodu ahaa fududeynta afgembi ka dhan ah Madaxweyne Maduro.

“Waxaan dadka Venezuela gacan ka siinayay inay dib ula wareegaan maamulka dalkooda,” Mr Denman, oo hore uga tirsanaan jiray ciidammada howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ayaa muuqaalka ku sheegay.

Mr Denman ayaa sheegay in isaga iyo Airan Berry, oo 41-jir ah, uu qandaraas siiyay Jordan Goudreau, oo ah halyey hore oo milateriga Mareykanka ah kaas oo hogaamiya shirkadda Mareykanka ee Silvercorp, si ay howlgalka u fuliyaan.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay adeegsan doonto wax walba oo ay ku xaqiijinayso in labadaasi nin u dhashay dalka Mareykanka iyaga oo bad qaba uga soo laaban lahaayeen dalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan baxyo ruxay Jigjiga kadib markii la geenay Meydadka dad la laayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare oo ka hadlay Wararka sheegaya in uu joogo dalka Imaaraadka

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Karaash oo shirweyne ka furay Magaalada Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---