Labo qof oo goordhaw lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw isgooska Baar Ubax ee Degmada Howl Wadaag waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidanka dowlada iyo haweeney la sheegay in ay aheyd jaadley.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan ay toogteen askarigan katirsan ciidanka dowlada oo ku sugnaa goob jaadka lagu iibiyo, waxaana rasaastii askariga lagu furay sidoo kale ku dhimatay haweeney goobta ku sugneyd.

Kooxdii dilka geestay ayaa si deg deg ah goobta uga baxsatay, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida kuwaa oo horey u qaaday labada qof ee la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheesan ee loo geesanayo askarta dowlada iyo sidoo kale dadka shacabka, waxaana inta badan baxsaday ragii dilalaasi geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -