Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Kenya oo xanibaad adag ku soo rogtay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah ayaa lagu soo rogay xayiraad guud

Wasiirka Caafimadka ee dalka Kenya ayaa xayiraad guud ku soo rogay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo qayb ka mid ah magaalada Mombasa.

Xanibaadan oo socon doonta muddo 15 cisho ah ayaa waxay ka dhigan tahay in dadka xaafadaas ku nool aysan aadi karin magaalada inteeda kale.

Sidoo kale, dadka ku nool magaalada Nairobi ayaan loo ogolaan doonin iney galaan xaafada Islii, iyadoo arintan la sheegay in saameyn kala duwan ay yeelan doonto, haba ugu darnaatee dhinaca ganacsiga iyo shaqooyinka.

Tan ayaa imaanaysa kaddib markii shalay xaafadda Islii laga helay 29 kiis ee cudurka safmarka ee Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo si adag uga hadashay War kasoo yeeray Madaxweyne Biden oo ku aadan Qasa

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo lagu toogtay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maamulka G/Benadir oo ka hadlay dabkii Bakaaraha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---