Laacib caan ah oo deeq loogu talo galay Ramadaanka siiyey Somalia & dalal kale

Mesut Ozil Laacibka naadiga Arsenal ayaa Lacag dhan 713,000 Turkish liras ah oo u dhiganta ($ 101,000) ugu deeqay hey’adda Bisha Cas ee Turkiga si gacan looga geysto ololaha gargaarka ee bisha barakaysan ee Ramadaan dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Madaxa Bisha Cas ee Turkiga Kerem Kinik ayaa uga mahadceliyay xidigan katirsan kooxda kubada cagta ee Arsenal kaalintiisa deeqdan oo ku soo aaday xili muhiim ah.

“Waxaan ku gaarsiin doonaa xirmooyinka deeqda ah ee uu ku deeqay walaalkey Mesut dadka loogu talogaley sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan, ”ayuu yiri.

Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu Afuriyo dadka Muslimiinta ah ee gudanaya waajibka soonka inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana Afurkan ka faaideysan doona illaa 16,000 oo qof.

Qaxootiga ku nool Turkiga iyo Siiriya ayaa 2,000 oo baakadood oo raashin ah ka heli doona Kaalmadan uu bixiyey Ozil, halka 90,000 oo xirmooyin Afur ah lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -