Allbanaadir.com
NEWS

Booliska gobolka Banaadir oo baadi goobaya Ibraahim Ciyow

Booliska gobolka Banaadir ayaa baadi goobaya wadaad lagu magacaabo Ibraahin Ciyow oo baahiyey hadalo gef ku ah caalimkii weynaa Shiikh Ibraahim Xidig oo shalay lagu aasay magaalada Muqdisho.

Ibraahim Ciyow oo lala xiriiriyey inuu ka tirsan yahay masjidka Cali Jimcaale ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ko qoray ugu gefey Sheekh Cismaan Xiddig isagoo sidoo kale wax ka sheegay kutubo uu qoray Sheekha.

“Nacam wuu allifay kutub laakiin ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay ?? kulligood ama badankood wuxuu ku difaacayaa inta aan suufiyo isku haynayba oo mayd la baryo oo tawasul loo bixiyo iyo qubuuro laysku jiid jiido oo la baryo oo tabaruk uu u bixiyay iyo shirkiyaatkoodii iyo khuraafadoodii un, mana lahan nafci ee kutub baadi iyo shirki iyo khuraafo buu ka tagay, ILAAHEEY baana yaqaan sida uu yeelayo oo iiga naxariis badan” ayuu yiri Ibrahim Ciyow.

Hadalka Ibraahim Ciyow ayaa kacdoon iyo fal celin adag ka dhaliyey baraha bulshada, waxaana dadka qaarkood ay hadallkiisa ku sifeeyeen inuu qeyb ka yahay fekerka Al shabaab, waxayna ku  baaqeen in la soo xiro.

Ibraahim Ciyow ayaa markii dambe qoraalkiisa ka saaray facebook ka dib markii uu arkay falcelinta adag ee ka dhalatay, isagoo galay xaalad dhuumasho ah si uu uga baxsado in la xiro, waxaan masaajidka Cali Jimcaale oo uu ka muxaadareyn jiray tagay ciidan Boolis ah oo isaga raadinaya

Dhinaca kale, Imaamka Masjidka Sheekh Cali Jimcaale Sheekh Cabdikariin oo goordhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sheekh Ibraahim Ciyow aanu ka mid aheyn Maamulka Masjidka isla markaana aaney marnaba ogolaan doonin in Culumada iyo Meytadaba lagu xad gudbo.

“Hilibka culimadu waa sumeysan yahay, ruuxii uriyo waa ku jirradaa, qofkii cunaana waa ku dhintaa” ayuu yiri Sheekh Cali Jimcaale Sheekh Cabdikariin.

Waxa uu sidoo kale sheegay imaamka in Sheekh Ibraahim Ciyow iyo dadka la midka ah aaney mar danbe fursad siin doonin isagoo tacsi udiray ehelada Sheekh Cusmaan Xidig iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo rasaas laga maqlayo

Caydiid Ali

Kenya oo sameysay balan-qaad la xiriira dacwada Badda ka dib guusha kursigii Golaha amaanka

Caydiid Ali

Magaalo kutaala Soomaaliya oo laga musaafurinayo Xaasaska iyo Caruurta Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---