Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo kahor timid Hadalkii Wasiir Maareeye

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee ku aadaa in qof kasta oo xiligan dhinta u aqoonsan yihiin in uu dilay cudurka Caronavirus.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Maxamed Saciid ayaa sheegay hadalka kasoo yeeray Wasiir Maareeye uu yahay mid aan xaqiiqo aheyn, waxa uuna xusay in wasaarada Caafimaadka warbixinada ay soo saartay yihiin kuwa cilmi ku dhisan oo laga fiirsaday.

”Xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan”ayuu yiri wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid C/llaahi.

Hadalkan kasoo yeeray Wasaarada caafimaadka xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Wasiirka Warfaafinta ka dhawaajiyay hadal shaki badan abuuray oo tilmaamaya in dowlada dadka dhinta u aqoonsan tahay kuwa uu dilay cudurka Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -