Dowlada oo soo saartay Digniino la xiriira fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga (Akhriso)

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixinta sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan.

Warbixin ka kooban ilaa shan bog ayay Wasaaradda uga hadashay heerarka biyaha labad webi ee Dalka Shabeelle iyo Jubba.

Waxaa sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka

Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan.

Laba ka mid ah seddexdii xilli roobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhashay oo ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyinka ku nool meelihi ay ka dheceen.

Halkan ka Akhriso Warbixinta ay soo saartay Wasaarada Gar gaarka

Warbixinta Sadaasha xaalada Fatahadaha Dalka, Caddadka 1aad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -