Allbanaadir.com
NEWS

Qarax oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Deva oo ku dhaw Isgooska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaari nuuca aan xabaduhu karin oo halkaasi marayay, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka bad baaday gaarigii lala eegtay.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo bajaajle ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dhaawacmay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Qaraxyada iyo falalka amaan daro ayaa ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa uuna qaraxan imaanayaa saacado kadib weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen  hotel kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida Ciidanka Israa’iil u burburiyeen Isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa

Caydiid Ali

Baaq isku mid ah oo loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne William Ruto

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Taliye kuxigeen ciidan iyo Taliyaal  kale oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---