Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse Barre oo la kulmay Ergay uu Dhawaan Magacaabay Madaxweynaha (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay ka wada hadleen sida loo sii ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku boorriyay Ergeyga inuu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha Xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo salka ku haya xal u helidda iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga inuu xoogga saaro ka miro dhalinta hadafka Dowladda Federaalka ee ku qotoma in tabasho kasta oo jirta lagu wajaho wadahadal iyo isu garaabid.

Related posts

Dowlada Ethiopia maka adkaan kartaa Xoogaga TPLF ee dagaalka xoogan kala soo horjeeda ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo shaqada ka eryaya xubno laga shakiyay oo katirsan….

Cabdi Cade

Abaal-marin la guddoonsiiyey nin la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---