Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Muqdisho kusoo laabtay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay qaar kamid ah madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarkii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kamid ahaa madaxdii lagu marti qaaday Caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa maalmo kadib dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Diyaarad siday labada Madaxweyne hore iyo Xildhibaano la socday ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana wali Kismaayo ku sugan madax kale oo iyana ka qeyb galay caleemo saarkii Axmed Madoobe.

Labada Madaxweyne hore ee kusoo laabatay magaalada Muqdisho ayaa horey markii Kismaayo aadayeen uga duulay garoonka Aadan Cadde, halka masuuliyiin kalana ay jabiyeen amarkii dowlada iyagoona diyaarado ka raacay Nairobi iyo Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sokor aan fiicneyn oo suuqyo ay Islii kamid tahay laga helay iyo saraakiil shaqada laga joojiyay

Cabdi Cade

Maamulka gobolka Banaadir iyo Al Shabaab oo ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Jabhada ONLF oo War ka soo saartay go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---