Raisul Wasaare Khayre oo Magacaabay Guddi gurmad oo 8 Wasiir ka kooban (Magacyada)

Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre Ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay in ay u gurmadaan dadka dhibaatadda ay kasoo gaartay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho.

Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u aqriyay xubnaha guddiga iyo shaqada loo igmaday, waxaana ay kala yihiin:-

1- Mudane Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha XFS -Guddoomiye

2- Mudane Maxamed Burci Xamsa  Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka – Xubin

3- Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta XFS – Xubin

4-Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta XFS – Xubin

5- Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha – Xubin

6- Mudane  Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta – Xubin

7-Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda – Xubin

8- Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka- Xubin

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa amray guddigaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday Degmadda Qardho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -