Nin qarax ka geysan rabay Muqdisho oo la toogtay & qof rayid ah oo la dilay

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Macmacaanka ee Degmada Dharkeynley ku dishay nin rayid ah.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cabbey ayaa la sheegay inuu ahaa Tubiiste, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay, lamana oga illaa hadda sababta iyo cida dilkiisa ka dambeysay.

Dhinaca kale, ciidamada Amniga ayaa Isgoyska Maanabolyo ee degmada Shibis ku toogtay nin ku hubeysnaa Bam Gacmeed oo dmacsanaa inuu weerar geysto, iyadoo ninka bamka watay  uu ku geeriyooday isla goobtaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo kale oo ku sugnaa Isgoyska Afarta jardiino Bam gacmeed lagu weerarray isla caawa fiidnimadii, waxaana ku dhaawacmay dhowr qofood oo iskugu jiray askar iyo shacab, qofkii tuuray bamkaas ayaana goobta ka baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -