Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Hobyo & diyaar garow halkaas ka socda (Daawo Sawirro)

Qaban-qaabo weyn oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka socota degmada Xeebta ku taalla ee Hobyo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Xubno ka tirsan labada aqal oo horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha ayaa gaaray degmada Hobyo kuwaasoo ay ka mid yihiin Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ah ka tirsan aqalka sare ahna guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee labada aqal.

Xubnaha gaaray Hobyo waxaa sidoo kale oo ka mid ah xildhibaan Axmed Macalin Fiqqi oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamanka Somalia iyo xubno kale.

Xarunta Maamulka degmada Hobyo ayaa waxaa ka socda howlo dayactir ah oo lagu qurxinayo, iyadoo dadweynaha degmadaas ay ku jiraan diyaar garow aad u xooggan.

Madaxweyne Farmaajo oo horey safar dhulka ah ugu soo maray magaalooyin iyo degaano badan oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa la filayaa in marka uu tago Hobyo uu dhagax dhigo dib u dhis lagu sameynayo dekeda dabiiciga ee halkaas ku taalla isagoo kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada ee degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -