Puntland iyo Jubbaland oo War-saxaafadeed xasaasi ah ka soo saaray Muqdisho (Akhriso)

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray War-saxaafadeed wadajir ah oo ay kaga hadlayaan kulamadii ay la qaateen wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia, iyagoo sheegay in DF ay caqabad ku tahay inuu furmo shirkii ay u yimaadeen Xamar.

Puntland iyo Jubbaland ayaa walaac ka muujiyey in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee dowladda Federaalka ay xagal daacinayaan qabsoomida shirkii loo fadhiyay inuu ka dhaco Muqdisho, iyadoo in wafdiga ka socda Puntland iyo Jubbaland muddo saddex todobaad ku sugan yihiin Muqdisho, iyagoo ka jawaabay dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi la isugu yimaado.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -