Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Caawa si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayay ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdishu ee caasimadda Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada XFS iyo xubnaha labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa inta uu magaalada Muqdisho jooga la kulmi doona Madaxda sare Dowlada Federaalka iyo sidoo kale qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ee dhaliilsan nidaamka doorashada ku bilaabatay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in uu safar u sii yahay dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Turkiga oo la filayo in halkaasi maalmo soo joogo.

Related posts

Qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo Kismaayo gaaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah halbeegyada caalamiga ah ee …

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo Gantaal khasaaro geestay ku weeraray Tel Aviv

Cabdi Cade
Taboola Ads ---