Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Mareykanka oo Soomaaliya ka taageeraysa xakameynta Caabuqa Covid-19 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa wadahadal dhinaca internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya,  Donald Y. Yamamoto iyo madaxda Hay’adda Maraynkan u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID).

Kulanka ayaa inta badan looga hadlay xaalada ka dhalatay caabuqa Covid -19 ee Soomaaliya kusii fidiya iyo sidii dowlada Mareykanka uga taageeri laheyd Soomaaliya dagaalka looga hortagayo cudurkan safmarka ah.

Wasiirka caafimaad XFS ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19.

Dhinaca kale dowlada Mareykanka ayaa u balan qaaday Soomaaliya in ay ka taageerayaan xakameynta caabuqa Covid-19, waxa uuna sheegay Donlad Yamamoto in garab taagan yihiin dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa Soomaaliya ka taageeraya xakameynta caabuqa Covid-19, dowladaha caalamka qaarkood ayaana Soomaaliya ku caawiyay dhaqaale lagula diriro Covid-19 halka dowladaha qaarna ku deeqeen qalab iyo daawooyin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga UPD oo War xasaasi ah kasoo saaray Shirka lagu xaraashayo Shidaalka Somalia

Cabdi Cade

Mogadisho Book Fair. Mahruuc Shisheeye mise bandhig Buugaag ?!!

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War cusub ka so saartay howlgal ay fuliyeen ciidanka Danab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---