Xisbiga UPD oo War xasaasi ah kasoo saaray Shirka lagu xaraashayo Shidaalka Somalia

Xisbiga Midowga Nabada Horumarka uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray Shir ay soo qaban qaabisay Wasaarada Batroolka Soomaaliya oo sida la sheegay lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya .

Shirkan oo ka dhacaya magaalada London ee Caasimada Briain waxaa ka qeyb galaya shirkado dhinaca Shidaalka kuwaa oo la sheegay in ay  u tartami doonan shatiga qodista shidaalka Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga UPD

Kulan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da Febraayo 2019 qorshaysan in
lagu qabto magaalada London. Kulanka waxa ka soo qaybgelaya shirkado u tartami
doona shatiga qodista shidaalka ee loo yaqaanno (Bid Rounds ama Licensing).
Haddaba waxa u baahan in la isweydiiyo xaraashkani munaasab ma yahay waqtigan
iyada oo ay maqan yihiin hay’adihii iyo sharciyadii hagi lahaa maamulka iyo
maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka. Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka
(UPD) wuxuu la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed gol-daloolooyinka ka muuqda
xaraashkan.

1. Bishii September 2017 waxa Golaha Wasiiraddu ansixiyay Hindise Sharciyeedka
Shidaalka Soomaaliyeed 2017 (Somali Petroleum Bill 2017) isagoo badalay
Sharcigii Shidaalka 2008 (Somali Petroleum Law 2008). Hindise Sharciyeedkani
hadda waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale u sii baahan
ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa Madaxweynaha. Si loo dedejiyo xaraashkan,
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay isticmaalaysaa sharci Golihii ay ka
tirsanayd uu ansixyey in mid kale lagu bedelo. Lama garan karo sababta loo sugi
kari la’yahay inta sharciga cusub meel mar ka noqonayo.

2. Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga
ah (Shidaalka Iyo Macdanta) ee lagu saxiixay Baydhabo waxa uu dhigayaa in la
sameeyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (Somali Petroleum Authority) taas
oo hagi doonta wixii wada-xaajood iyo diyaarin heshiisyo shidaal ah. Iyada oo
aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo
Macdantu qabanaysaa madal lagu xaraashayo laguna bixinayo shatiga shidaal
qodista.

3. Isla Heshiiskani waxuu tilmaamayaa in la sameeyo Shirkadda Shidaalka Qaranka
Soomaaliyeed (Somali National Oil Company) taas oo la shaqeynaysa shirkadaha
caalamiga ah. Mar kale, iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay
Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu heshiisyo caalami ah la galaysaa shirkado
shisheeye.

4. Heshiis Wax Soo-Saar Wadaag (Production Sharing Agreement) oo sheegaya
xuquuqda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka
ayaan weli Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka midkoodna la hor keenin.
Heshiiskan waxa uu sheegayaa xuquuqda saxiixa heshiiska (signature bonus),
awood-dhiska (capacity building), canshuuraha, sida dadka degaanka ugu
faa’idayaan qodista shidaalka (local content) iwm.

5. Heshiisyada shidaal ee la galo waxaa ku jira qodob muhiim ah oo la yiraahdo
‘xasilinta’ (stabilization clause) oo qeexa arimaha dib looga wada hadli karo iyo
kuwa aan dib looga wada hadli karin marka uu heshiis dhaco. Maadama
Soomaaliya aaney u dhamaystirnayn sharciyyada Bii’ada, Canshuuraha iyo
Ganacsiga, waxaa adkaan doonta in heshiiska hadda la galo wax laga bedelo
marka aan sameysanno sharuucda inaga dhiman.

6. Waxa aan weli la sameyn Hay’adda Bii’ada Soomaaliyeed oo wax weyn ka
taraysa in shirkadaha shidaalka aanay Soomaaliya ka dhigin meel ay adagtay in
dadka iyo duurjoogtuba si caadi ah ugu noolaadaan maadaama shidaalka
qodostiisa ay weheliso sun badan oo haddii aan loo samayn sharciyo lagu
maareeyo iyo hay’ado haga khasaare weyn gaarsiin kara deegaanka.

7. Soomaaliya heshiis shidaal ma gelin muddo ka badan 30 sanno, sidaa
daraadeedna Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu hadda ma haysato khubaro ku
filan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida loo galo heshiisyo noocan oo kale
ah halka shirkadaha shidaalka ee xaraashkan ka qayb galayaa ay leeyihiin
khubaro ku takhasusay heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan kheyraadka
dabiiciga ah.

8. Waxa aan weli la dhamays-tirin dib u eegista Dastuurka oo kala xadidi doona
awoodaha dawladda dhexe, maamul goboleedyada iyo dawladda hoose ee
dalka, sidoo kalena waxa aan la samayn Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa
oo ah hay’ad dastuuri ah oo jiritaankeedu muhiim u yahay hubinta hufnaanta
heeshiisyada iyo in aan kharashaadka ka soo xarooda loo adeegsan dano gaar
ah.

Marka la eego gol-daloolooyinka (Loopholes) kor ku xusan, dedejinta ka muuqata
xaraashkan waxa uu horseedi karaa in xaqqa soo saarista shidaalkeenu si dhib yar
gacanta ugu galo shirkaddo dillaaliin ah oo carqalad ku noqda soo saarista
shidaalkeena iskaba daa in ay iyagu soo saaraane. Sidaa daraadeed, Xisbiga
Midowga Nabadda iyo Horumarku wuxuu ku baaqayaa ka hor xaraashka shidaalka :

1. in la dhamays-tiro sharciyada hagaaya iyo kuwa kaabaya ka faa’iideysiga soo
saarista shidaalka si umadda Soomaaliyeed aanay marti uga noqon
kheyraadkooda;

2. in la dhiso hay’adaha muhiimka u ah maamulka iyo maareynta dheefta iyo
dhibka shidaalka si loo hubiyo illaalinta degaanta iyo faa’iido cadaalad iyo
xaqsoor ku salaysan;

3. in la helo khubaro inaga caawisa kala hufka shirkadaha daneynaya shidaalkeena
si aan meesha uga saarno dillaaliinta raba in ay ka faa’iideystaan
duruufeheenna adag;

4. in la helo garyaqaano calami ah oo inaga caawiya heshiisyada aan la geleyno
shirkdaha daneynaya soo saarista kheyraadka dalkeena:

5. In xogta iyo macluumaafka la xiriira kheyraadka dalka sida Batroolka loo soo
bandhigo bulshada Soomaaliyeed si furan, oo aysan dadka Soomaaliyeed noqon
kuwo shirkado ajnabi ah ka hela xogta ku saabsan khyeraadka dalkooda iyo
waxa la xiriira.

6. in shacabka Soomaaliyeed muujiyaan lana wadaagaan cidii ay khusayso u
heeganaanta illaalinta kheyraadkooda dabiiciga ah.

Hadaba, Xisbiga UPD wuxuu soo jeedinayaa isla markaana adkaynayaa in shirka
wasaaradda Batroolku ku qabanayso magaalada London taariikh 07 Febraayo 2019,
uusan oofsan shuruudihii iyo tallaabooyinkii loo baahnaa in la qaado ka hor shir
noocaas ahi inta aan la qaban, sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo
shirkaas.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -