COVID-19 oo dhaawac culus u geystay dhaqaalaha dowladda SoomaalIya

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in dakhliga usoo xarooda uu hoos u dhacay 40%, taasoo uu sababay xanuunka coronavirus ee saameeyay.

Hoos u dhaca ayaa ka dhashay xayiraadaha lagu xakameynayo faafidda cudurka iyo canshuurihii badeecooyinka qaar oo la khafiifiyay. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ku xirnaa dalka dibaddiisa.

Bayle ayaa  sheegay in dhaqaalaha uu iska dhimay meelo badan oo ay dowladda canshuuro ka heli jirtay.

“Marka u horreysay dadkii baa la kala joojiyay, wax soo saarkii baa hoos u dhacay, sidaas daraaddeed dadka dakhligii soo galayay baa isdhimaya, dadkii maxaysatada ahaa ee maalin walba doolarka soo qaadanayayna wuu dhamaanayaa doolarkoodii, annaguna kuwaasaan canshuuro yar yar ku ahayn wixiina way dhammaadeen hadda,” ayuu yiri wasiirka.

Hoos u dhaca 40%-ka ah ayuu Bayle ku qiyaasay lacag dhan $200,000,000 (Labo boqol oo milyan oo doolar).

Wasiir Bayle ayaa sheegay in hadda ay Beesha Caalamka weydiisanayaan kharashkii ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyn lahayd.

“Markii hore dhaqaalaheennu wuxuu u baahnaa kab, waan soo yareyneynay kabka, waxaana dooneynay inaan isku filnaanno, laakiin kabkii imika wuu sii batay, waxaan wadahadal kula jirnaa beesha caalamka oo uu ugu horreeyo Bangiga Adduunka, IMF-ta, Afrikac Development Bank iyo hay’ado kale oo uu ka mid yahay midowga Yurub, kuwaasaan dooneynaa inaan kabka ka kordhinno”, ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -