Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ee Baraawe

Qaraxyo waaweyn ayaa saaka laga maqlay xarunta ciidamada AMISOM ee degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayan wararka laga helayo degmadaas.

War kasoo baxay Alshabaab lagu sheegay inay weerar loo adeegsaday laba Gaari oo waxyaabaha qarxa ka buuxaan ayna wadaan is-miidaamiyeyaal lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Baraawe ayna qasaare weyn ay gaarsiiyeen ciidamada AMISOM.

Shacabka degaanka ayaa sheegaya in qaraxyo culus laga maqlay magaalada, kadibna rasaas xoog leh ay xigtay. Ma jiro war ka soo baxay AMISOM iyo ciidamada dowladda ee ku sugan Baraawe.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Al-shabaab qaado maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan, iyadoo looga bartay kooxda iney bishan oo kale kordhiso weeraradan oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Sare ee Islaamka DDS oo soo saaray bayaan ka dhan ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

War Cusub oo kasoo kordhay magacaabistii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Al Shabaab and government seeking Journalist Liban Mustaf Isak

Cabdi Cade
Taboola Ads ---