Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hey’adda Nabad Sugida Qaranka oo dacwad ku soo oogtay weriye Harun Macruuf

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa caawa shaacisay inay xeer ilaalinta Qaranka u gudbisay Dacwad ka dhan ah Weriye Haaruun Macruuf Xasan oo ka tirsan shaqaalaha Idaacadda codka Mareykanka ee VOA.

“NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraal kooban lagu qoray barta ay NISA ku leedahay Twitter-ka

Faahfaahin kama bixin NISA dacwadda ka dhanka ah Weriyahan oo degan dalka Mareykanka iyo waxa loo heysto.

Qoraal ay hore u soo saartay NISA ayey ku sheegtay inay talaabo sharci ah ka qaadeyso Harun Macruf oo ay ku eedeysay inuu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, lamana oga illaa hadda waxa ay salka ku heyso dacwadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

William Ruto oo Dadaal ugu jira sidii Xisbigiisa ula wareegi lahaayeen Guddoonka labada Aqal

Cabdi Cade

Xil ka qaadis maanta lagu sameeyay Cabdi Maxamed Rodol (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen taliska XDS iyo Saraakiisha Mareykanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---