Xil ka qaadis maanta lagu sameeyay Cabdi Maxamed Rodol (Akhriso Digreeto)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Maareeyihii hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland isagoona mid kale oo cusub xilkaasi u magacaabay.

Maareeyihii hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol, ayaa xilka laga qaaday , waxaana loo magacaabay maareeyaha cusub Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista iyo magacaabista

Ku: Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
 
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
 
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
 
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
 
Ujeeddo: Magacaabid
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,
 
Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;
 
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
 
Waxaan Go’aamiyey;
 
In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -