Gudoomiye Filish oo xariga ka jaray Suuqa casriga ah ee HAYAT Market (Sawirro)

Waxaa maanta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho laga furay Super Market ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalka, iyadoo xarigana uu ka jaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish.

Munaasabad lagu furayey suuqan cusub oo si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa lagu qabtay xarunta Hayat Market taasoo ay ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada sida ganacsato, Culimaa’diin, aqoonyano, siyaasiyiin, mas’uuliyinta shirkadaha dalka iyo madax ka socotay dowlada Somalia.

Madaxa Suuqa cusub ee Hayat Market C/nuur Guutaale  oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Super Market-kan uu yahay kan ugu weyn magaalada Muqdisho, ayna dhismihiisa iska kaashadeen ganacsato Soomaaliyeed.

“Suuqan dhismihiisa iyo diyaarintiisa waxaa la qorsheynayey muddo dheer, waxaana maalkooda, fekerkooda iyo muruqooda geliyey ganacsato Soomaaliyeed oo iskaashaday, ujeedada laga leeyahayna ma ahan in faa’iido laga sameeyo kaliya balse waxaa kaloo ka mid ah in magaalada ay hesho suuqyo la heer ah kuwa casriga ah ee caalamka, wuxuuna shaqo u abuuray dhalinyaro Soomaaliyeed, qeybo badan ayuuna ka kooban yahay, waxaana laga heli karaa wax kasta oo qoysasku u baahan yihiin” ayuu yiri C/nuur Guutaale  oo intaas ku daray iney ganacsatada ka go’an tahay maalgeshiga dalkooda, ayna dhowaan suuqan faraciisa labaad ka furi doonaan degmada Hodan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa ka waramay muhimada ay maalgeshiga suuqyada noocan ah u leeyihiin horumarinta  magaalada, wuxuuna bogaadiyey ganacsatada ku dhiiratay iney ganacsi heerkiisu sareeyo ka abuuraan caasimada, isagoo ganacsatada kale ugu baaqay iney ku daydaan.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka soo qeyb galo goob joogna ka noqdo maanta furitaanka suuqan cusub ee Hayat oo ah mid aad u weyn oo si tayo leh loo qurxiyey, qalabkiisana loogu dhameystiray, ganacsatadii maalgashadayna ammaan bay mudan yihiin, wuxuuna sawir ka bixinayaa horumarka ay caasimadu ku talaabsaneyso maalinba maalinta ka dambeysa” ayuu yiri Cumar Filish oo intaas ku daray in maamulkiisu uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto caqabad kasta oo soo wajahda ganacsatada Soomaaliyeed si ay ugu dhiiradaan iney dalkooda Maalgashaan.

Waxaa sidoo kale Munaasabadan ka hadlay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud C/kariin Gabeyre, agaasimaha guud ee Wasaarada ganacsiga DF, Gudoomiyaha heyadda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, guddoomiyaha degmada Wadajir iyo masuuliyiin kale, iyadoo gudoomiye Cumar Filish uu ku soo wareegay qeybaha uu ka kooban yahay suuqan.

Hayat Super Market ayaa ah suuq weyn oo si weyn loo qalabeeyey, wuxuuna ka kooban yahay qeybo kala duwan oo lagu iibiyo noocyada kala duwan cuntada, qalabka Electroniga, dharka, waxyaabaha la isku qurxiyo, qalabka guryaha iyo Nadaafada iyo inta badan waxyaabaha ay u baahan yihiin qoysaska Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -