Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo shirar xasaasi ah la qaatay Madaxda & Dhaqanka Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan, si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Galmudug ay tahay Alshabaab, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah Khawaarijta oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah.

Related posts

Xildhibaan Mahad Salaad oo Su’aalo cusub ka keenay qaraxii xarunta Gobolka banaadir

Caydiid Ali

DF oo sheegtay in qiyaastii boqol dagaalyahan lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka..

Caydiid Ali

Farmaajo oo loogu baaqay inuu Ummada u soo celiyo xilka iyo amaanada loo dhiibay

Caydiid Ali