(Sawirro) Dal uu halakeeyay cudurka COVID-19 oo meydadku daadsan yihiin jidadka

Dalka Koonfurta qaarada Amerika ku yaalla ee Ecuador ayaa kiisaska tirada dhimashada ee cudurka Coronavirus waxay gaartay kumanaan qof.

Dowladda ayaa sheegtay in 6,700 oo qof ay gobolka Guayas ku dhinteen labadii toddoobaad ee ugu horreysay bishan April. Guayas ayaa ah magaalada ugu weyn dalkaasi, aad ayuuna u saameeyay xanuunkan dunida halakeeyay.

Dadka degaanka ayaa meydka guryahooda ku haya muddo ka badan shan maalmood, halka meydad kalena ay iska daadsan yihiin jidadka iyo meelo kale oo aan munaasab aheyn

Waxay sheegen in maamulka uu awoodi kari waayay inuu hayo oo xakameeyo tirada dhimashada ee sare u kacday, taasoo sababtay in meydadka oo lagu duubay marooyin ay iska yaallaan guryaha qoysaskooda iyo xitaa waddooyinka.

Dowladda ayaa toddobaadkii hore bilowday iney qeybiso kumanaan naxashka meydka lagu qaado, waxaa sidoo kale la sameeyay nambar ay ka wacdaan dowladda si looga caawiyo in meydka laga qaado.

Shaqaalaha caafimaadka ee dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay hadda dhibaato weyn kala kulmayaan aruurinta meydadka dadkii dhintay maalmihii lasoo dhaafay oo aad uga fara badan inta ay awoodi karaan iney asturaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -