DF oo shaacisay in Muqdisho laga helay dad hor leh oo qaba cudurka COVID-19

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Somalia Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caawa shaacisay in magaalada Muqdisho laga helay dad cusub oo qaba cudurka Coronavirus.

Fowsiya Abiikar Nuuroo caawa fiidnimadii ka hadleysay shir jaraa’id oo ay ku qabatay xafiiska RW Somalia ayaa sheegtay in maanta oo Sabti ah laga baaray cudurka 25 qof oo la tuhunsanaa iney cudurkan.

“Baaritaanka ka dib natiijada waxay noqotay in 19 ka mid ah 25-ka qof laga helay cudurka taasoo tirada guud ee cudurka qaba Somalia oo dhan ka dhigeysa 135 qof inta laga warqabo” ayey tiri Fowsiya Abiikar Nuur.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Somalia waxay intaas raacisay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -