Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo soo bandhigtay Wiil yar oo la sheegay in uu kasoo goostay Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta soo bandhigay wiil yar oo ay sheegeen in uu kasoo goostay dagaalyahanada Al Shabaab uu katirsanaa.

Wiilkan isku soo dhiibay ciidanka dowlada oo 15-sano jir ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Isxaaq , waxa uuna sheegay wiilkan yar in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab .

Guddoomiyaha deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in wiilkan yar yar horey Al Shabaab waalidkiisa uga afduubteen, waxa uuna xusay in wiilkan hada kasoo baxsaday Al Shabaab .

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay isku soo dhiibeen dagaalyahano horey uga tirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo daahfurtay Mashruuc weyn oo faa’iido badan leh (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisada Mucaaradka & Farmaajo oo xoogeysatay & Kenya oo cadaadis ku heysa Jubbaland

Caydiid Ali

Dagaal goor dhow ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---