Xildhibaan katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal kuyaala Muqdisho.

Xildhibaan Aadan Xasan Cali ( Moobleen) ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yardimeel ee magaalada Muqdisho, waxaana Xildhibaanka la sheegay in xaalad adag maalmihii lasoo dhaafay uu ku jiray .

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaan Aadan ayaa la xanuunsanayay cudurka macaanka, sidoo kale waxaa uu ka xanuunsanahayay dhanka kelyaha, waxaana dhawaan Isbitaalka uu ku jiro loogu geeyay qalabka lagu sifeeyo Kilyaha.

Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaankan katirsanaa Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa Xildhibaanka in aas Qaran loo sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -