Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Somalia oo daahfurtay Mashruuc weyn oo faa’iido badan leh (Sawirro)

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtey Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.

Mashruucaan oo ay  si wadajir ah u Daahfureen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jamac iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Awqaafta iyo arimaha Diinta, wasiiradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa dowlad gobaleedyada dalka iyo marti sharaf kale.

Mashruucaan oo uu maalgalinayo Banka horumarinta Afrika ayaa xooga saari doona hormarinta kaabayaashii uu dalka lahaa gaar ahaan xanaanada xoolaha sida goobihii Caafimaadka xoolaha, seerooyinkii, biyo xireenadii, warihii xoolaha ka cabi jireen iyo si guud ilaalinta badqabka xoolaha nool.

Barnaamijkaan adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya ayaa si guud u gaari doona gobalada dalka kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan dhammaan xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Related posts

Siyaasi kasoo horjeeda Axmed Madoobe lagu weeraray Kismaayo iyo khasaaro ka…

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Wafdi uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo gaaray Xudur

Caydiid Ali
Taboola Ads ---