Tirada dadka uu ku dhacay Caronavirus gudaha Soomaaliya oo caawa korortay

Waxaa sii kordhaya tirada dadka uu ku dhacay caabuqa Caronavirus gudaha Soomaaliya , waxaana Wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya caawa shaacisay in dad hor leh laga helay caabuqan kadib baaritaano lagu sameeyay.

War kooban oo kasoo baxay Wasaarada caafimaadka ayaa lagu sheegay in 47-qof oo saacadihii lasoo dhaafay laga baaray caabuqa Caronavirus laga helay 36-qof oo kamid ahaa dadkaasi oo horey isugu arkay qaar kamid ah calaamadaha uu cudurkan leeyahay.

Dadkan cusub ee laga helay cudurka Caronavirus ayaa la sheegay 27-kamid ah rag yihiin halka 9-ka kalana dumar yihiin , waxaana wasaarada sheegtay in dadkan laga helay caabuqa qaarkood xaaladooda aad u wanaagsan tahay .

Tirada guud ee dadka laga helay caabuqa Caronavirus gudaha Soomaaliya ayaa hada gaartay 116-qof, waxaana ilaa hada cudurkna u geeriyooday ilaa 5-qof halka labo qof oo kalana ay ka bogsadeen .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -