Taliye Xijaar oo balan-qaad ku saabsan Bisha Ramadaan u sameeyey shacabka Muqdisho

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed  Xijaar ayaa sheegay in labadii habeen ee la soo dhaafay uu si rasmi ah  Muqdisho uga dhaqan galay Bandowga ay saareen, si looga hortago faafida cudurka Coronavirus oo dhibaato xoogan ku haya caalamka.

Jen Xijaar ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay si taxadar leh u dhaqan gelinayaan bandowga, ayna shacabka waajib ka saaran tahay iney la shaqeeyaan.

Waxaa uu sheegay in Taliska Booliska Soomaaliya oo fiirinaya xaalada dalka iyo Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo fooda nagu soo heysa ay wax ka bedeli doonaan Bandowga saaran Magaalada Muqdisho.

Taliye Xijaar ma faahfaahin sida bandowga wax looga bedelayo bisha Ramadaan balse waxaa uu ugu baaqey Shacabka inay qaataan awaamiirta Dowladda, sidoo kale Ciidamada looga baahan yahay inay Shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan inta uu bandowgu socdo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa labadii habeen ee la soo dhaafay ka dhaqan galay bandow soconaya laga bilaabo 8:00 fiidnimo illaa 5:00 xiliga waaberiga si looga hortago faafida cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -