Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Duq Magaalo oo shaqadiisa ku waayey diidmada amar la xiriira Salaada Jameecada

Raisul Wasaaraha Sudan ayaa shaqada ka eryay duqa magaala madaxda dalkaasi Khartuum, kaddib markii uu gaashaanka u daruuray amarka dowladda ee lagu mamnuucay isku imaanshaha goobaha diimaha.

Amarkan ayaa looga gol-leeyahay ka hortagga faafidda xanuunka Covid-19 oo haatan dhibaato xoogan ku haya dunida oo dhan.

Jen. Ahmed Abdun Hammad Muxammed ayaa diiday inuu meel mariyo go’aanka lagu mamnuucay salaadaha jameecada ee misaajiddada iyo isu imaanshaha kaniisadaha.

Amarkaasi ayaa lagu wadaa inuu dhaqan-galo Sabtida berri ah, waxayna arrintan xiisad ka dhex dhalisay Madaxda iyo siyaasiyiinta dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirinta codadka doorashadii Somaliland oo heer gebogebo ah mareysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday & mid kale oo la magacaabay

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo ka hadlay Xaalado kusoo kordhay Muqdisho Digniina soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---