Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Maraykanka oo Iran ku eedeeysey iney waddo daandaansi dagaal

Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan in biyaha khaliijka ay ka wadaan howlgallo daandaansi ah oo halis ah.

Wuxuu Mareykanka sidoo kale sheegay in 11 kamid ah ciidammada ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan in Arbacadii ay dhibaateeyeen lix kamid ah ciidammada badda Mareykanka iyo markab dagaal.

Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka waxay xilliggaas sameynayeen dhoolatus militari.

IIaa iyo hadda IIraan kama aysan hadlin arrintani.

Waxay arrintani imaaneysa xilli rag hubeysnaa oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ay qabteen markab sitay calanka Hong Kong kaas oo marayay xeebaha Cumaan, waxaana lagu khasbay inuu u jiheysto dhinaca biyaha Iiraan ka hor inta aysan sii deyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Reer Galbeed ka mid noqday tiro dad ah oo ku dhintay Weerarka Nairobi

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo xil culus u magacaabay Eng Cabdi Xuseen Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---