Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Muqdisho ka Daah-furay shir guddi heer Qaran ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo ciribtirka cudurrada halista ah sida dabaysha, si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan arrintan iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo kor u qaadidda barnaamijka tallaalka, si loo badbaadiyo carruurta Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo soo saaray liiska Musharaxiinta kursiga …

Cabdi Cade

Labo kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in uu socdo dadaalo lagu soo celinayo xiriirka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---