Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abaanduulle ka tirsan ciidanka XDS oo xabsiga la dhigay & Xog ku aadan sababta

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa xabsiga dhigtay abaanduule ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu soo eedeeyay inuu dagaal Beeleed ku lug yeeshay.

Gaashaanle Salaad Tifoow oo ahaa Abaanduulaha Guutadda 7-aad ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu xiray amar kasoo baxay Maxkamadda ciidamada markii lagu soo eedeeyay dembiyo dagaal oo ka dhacay dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa xubno ay dhowaan Maxkamaddu Ciidamada amartay inay hortagaan Hay’adaha Baarista, kadib lugtii ay ku yeesheen dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Xubnaha Maxkamadu doon dooneyso ayaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanadda Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Wanlaweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay ninkii ka dambeeyey dilka Suleeqo Yusuf Axmed

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo qabtay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ragii watay

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo sheegay in ay dileen nin Al Shabaab shaqo weyn uga hayay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---