Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Oomaar oo isku bedelay agaasimayaasha Wasaaradiisa & Xog ku aadan Sababta

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey Agaasime Waaxeedyada wasaaradaasi.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka ayaa saameyn 5 agaasime waaxeed oo ugu muhiimsan wasaaradda, waxaana la isku bedelay shan agaasime, taasoo wasiirku sabab uga dhigay dardargelinta howlaha Wasaaradda.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili dhowaan dowlada Somalia ay xabsiga dhigtay agaasimihii Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo agaasime waaxeedyo ka tirsanaa isla wasaaradaas ka dib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in sababta uu Wasiir Oomaar isku shaandheynta ugu sameeyey agaasimayaasha ay tahay cabsi uu ka qabo in wasaaradiisa lagu sameeyo baaritaano la xiriira dhinaca musuqa oo la mid ah kan wasaarada caafimaadka.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA LAGU KALA BEDELAY AGAASIMAYAASHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoogaga Ahlusunna oo galay Dhuusamareeb iyo rasaas goos goos ah oo la maqlayo

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia oo la kulmay Dr. Mamunur Rahman Malik (Sawirro)

Caydiid Ali

Danjire muddo xileedkiisu dhamaaday oo dalka laga sagootiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---