Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku xiray Wariye Caan ah oo iyo faah faahino kasoo baxaya

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho maanta waxa ay ku xireen Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ahaa agaasime kuxigeenka idaacada Goobjoog sidoo kale ahaa wariye wax ku qora Websetyada iyo baraha bulshada.

Sida aan wararka ku helnay Wariye Gurbiye ayaa looga yeeray saldhiga degmada Hodan, waxaana la sheegay in wariyaha la xiray markii uu xaruntaasi tagay iyadoona wali aan la shaacin sababta loo xiray.

Agaasimaha Idaacada Goobjoog Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga maanta magaalada Muqdisho loogu geestay Wariye Gurbiye, waxa uuna xusay agaasimaha in aan wali loo sheegin sababta loo xiray wariyaha.

Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ah qoraa xirfadle ah ayaa mararka qaar qori jiray warbixino iyo dhacdooyin ay dhibsadaan dowlada Nabad iyo nolol , waxa uuna wariyaha marar badan qoray warar aysan dowlada jecleesan.

W/Q Hassan Abdulle Noolow

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladdu Meg-dhaw Masiin doontaa G/le Maxamed Mooshin ee dembiga lagu waayay?

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Mohamed Bomba (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Muritania oo iska kaashanaya arrin culus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---