Dowladdu Meg-dhaw Masiin doontaa G/le Maxamed Mooshin ee dembiga lagu waayay?

Maxkamadda ciidamda Qalabka sida ayaa 42 maalin kadib oo baaritaan uu ku socday waxay sii deysay taliyaha Booliiska Saldhigga Waaberi, G/le Maxamed Cabduqaadir Nuur (Mooshin) iyo laba askari oo kale, kadib markii ay caddaatay inaanay wax lug ah ku laheyn dhacdadii lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodon ee gobalka Banaadir, Cabdixakiin Dhegajuun.
 
G/le Maxamed Cabduqaadir Nuur (Mooshin) oo kamid ahaa taliyaasha ugu firfircoon saraakiisha da’da yar ee gobalka Banaadir ka howl gala, habeen iyo maalinna u taagnaa gudashada waajibaadka qaranka ka saaran, ayaa wali u taagan inuu sii wado shaqadii uu qaranka u hayay, ha yeeshee bulshada iyo dhamaan saraakiisha kale ee ay shaqo wadaagga yihiin ayaa qaba inuu xaq u leeyahay inuu meg-dhaw helo maadaama uu ku dhawaad laba bilna u xirnaa arrin uusan wax lug ah ku laheyn.
 
Marka qof shaki loo xiro kadibna xorriyaddiisa looga qaado in la baaro lugta uu ku lahaa fal dhacay, kadibna lagu waayo wax dembi ah waxaa aduunyada dhan caadi ka ah in la siiyo meg-dhaw u dhigma xad-gudubkii loo geystay si ugu yaraan uu uga sabro qaladkii loogu geystay magaca dowladnimada.
 
Saraakiil booliiska ka tirsan oo aan la hadalnay ayaa ku doodaya inay wax laga xumaado tahay in dowladdu aysan laheyn dhiirri gelin oo kaliya ay diiradda saarto cabsi gelin iyo xarig, waxayna walaac ka muujiyeen in arrintaani ay hoos u dhigi karto damicii dhallinyaro badan ay ka lahaayeen in dhiigooda u bixiyaan difaacidda nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.
 
Su’aasho waxay tahay, si looga baaqsado in dhallinyaradu ay qatar u arkaan kasii mid ahaanshaha ciidanka, dowladdu meg-dhaw masiin doontaa G/le maxamed Cabduqaadir Nuur (Mooshin)?
 
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -