Itoobiya oo shaacisay in ay dishay dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab

Taliska ciidamada cirka ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka geesteen gudaha Soomaaliya ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan ururka Al Shabaab.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada cirka ee Bariga Itoobiya gaashaanle Habtom Zenebe ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah ay fuliyeen diyaaradahooda ku dileen 17-dagaalyahan oo katiran Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha xubnahan ay dileen in dhamaan ahaayeen Al Shabaab una qaabilsanaayeen dhinaca aasida miinooyinka, waxa uuna tilmaamay taliyaha in dagaalyahana la dilay xili ay qorsheenayeen in ay weeraraan ciidamadooda.

War kasoo baxay wasaarada difaaca itoobiya ayaa lagu sheegay dagaalyahanada Al-Shabaab ee dileen iney ka kicitimeen Dolow ayna damceen ciidama Itoobiya oo kolonya ah oo maraya agagaarka Baydhaba ay weerar miino la beegsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -