Maxkamada Ciidanka oo dacwad ku soo oogtay Xildhibaano, Saraakiil & xubno kale

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dacwad kusoo oogeysa Xildhibaanno ka tirsan maamul Goboleedyada K/Galbeed iyo Hirshabeelle, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Miltariga iyo Guddoomiyihii maamulka degmada Wanlaweyn oo loo heyso ku lug lahaanshaha dagaal beeleedkii Degmada Wanlaweyn.

Baaritaan hordhac ah oo Maxkamaddu ku sameysay dagaalka Beeleed oo dad ka badan 25 qof lagu dilay ayaa waxaa laga soo saaray go’aan hordhac ah iyo baaritaan lagu sameynayo mas’uuliyiin loo heysto inay kiciyeen dagaalka Beeleed, isla markaana waxaa dacwad lagu soo oogay xubnaha kala ah:

1- Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kala-dire- ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle)
2- Xildhibaan Mayow Mustaf Xasan (Ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed)
3- Ex. xildhibaan Maxamed Taraafiko (ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee K/Galbeed)

Saddexdan xildhibaan waxaa laga rabaa inay ka jawaabaan su’aalo iyo caddeymo ay ka bixinayaan arrimo loo heysto waxaana looga yeeray xarumaha denbi baarista CID-da ee Muqdisho iyo Baydhaba, iyadoo labada maamul loogu baaqay inay xubnahaasi u diraan sharciga.

1- Salaad Tifow abaanduulaha guutada 7-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa looga yeeray inuu hortago maxkamadda ciidamada.

2- Guddoomiyihii degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow C/raxmaan ayaa shaqada laga joojiyey iyadoo uu baaritaanku socdo.

3- Cabdi Nuunow Afweyne-oo ah horjooge maleeshiyo beeleed ayaa lagu amray ciidamada inay soo qabtaan si loo maxkamadeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -