Ciidamada amniga oo caawa Dhuusamareeb ku qabtay Qarax iyo ninkii watay

Ciidamada Xoogga dalka ee sida gaarka ah u tababaran (DANAB) ayaa caawa howgalo baaritaan ah ka sameeyey xaafado iyo dhismeyaal ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan ay ku dhaqaaqeen ka dib markii ay heleen xogo muhiim ah oo sheegaya in magaalada ay soo galeen shaqsiyaad qorsheynaya iney geystaan qaraxyo.

“Howlgalka waxaa laga fuliyey xaafado bartilmaameed ahaa iyo xaafado kale oo tuhun weyn laga qabay iney ku jiraan rag falal amni daro qorsheynaya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada howlgalka waday oo saxaafada la hadlay.

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamadu ay soo qabteen intii ay howlgalkaas wadeen shaqsiyaad uu ku jiray nin guri ku yaalla magaalada ku heystay waxyaabo qarxa.

“Ninkan ka tirsanaa kooxaha nabadiidka xabsiga ayaanu dhignaa sharciga ayaana loo gudbinayaa, waxyaabihii qarxay ee uu heystay waala qarxiyey, waxaakaloo jira shaqsiyaad kaloo la tuhunsan yahay kuwaasoo baaritaano ay ku socdaan” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada amaanka Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -