Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo la dilay

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegay in xalay kooxo hubeesan oon heebtooda la garan magaaladaasi ku dileen sargaal katirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Madaxii Xafiiska Laanta Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) ayaa la dilay xalay xili uu isku diyaarinayay dukashada salaada Maqrib sida goobjoogayaal ku warameen.

Kooxdii dilka geesatay ayaa la sheegay in si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay dilka ka geesteen, ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo ayaa ku guul dareestay in ay gacanta kusoo dhigeen ragii dilkaasi fuliyay.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto saraakiil iyo xubno kale oo katirsan maamulka Puntland , waxaana inta badan baxsada raga dilalkaasi geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Taliyaha Booliska & Wakiilka QM ee Somalia oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo

Caydiid Ali

Abiy oo Madaxweynihii maamulka Oromada iyo Siyaasi kale oo caan ah Wasiiro ka dhigay

Cabdi Cade

Rooble oo Mar kale la kulmay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi, hal arrina ka dalbaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---