Maxaa ka qaldanaa talaabadii ciidamada dowladu ku xireen Masaajidada Muqdisho?

Qeybaha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay talaabadii maanta ciidamada Booliska DF ku xireen qaar ka mid ah masaajidada Muqdisho xili la isku diyaarinayey salaadii jimcaha oo masaajidada la soo buuxiyey.

Booliska ayaa u sheegay imamada masaajidada in amarkan uu ka soo baxay DF, ujeedka laga leeyahayna uu yahay in in la yareeyo isku imaatinka, si looga hortago faafida cudurka Coronavirus oo laga shakisan yahay inuu magaalada si hoose ugu faafayo.

Masaajidyada intooda badan oo uu ka mid yahay isbaheysiga islaamka ayaa u hogaansamay amarka ciidamada, waxaana kala dareeray dadkii ku sugnaa ee salaada jimcaha u yimid, balse masaajidka Marwaas ee degmada X/weyne ayaa waxaa ka dhacay gadood ay sameeyeen dad iskugu yimid kaasoo sababay in ciidamadu isaga tagaan.

Fowdada ka dhacday maanta masaajidka Marwaas ee degmada Xamarweyne ayaa waxaa la sheegay iney sabab u tahay dowlada oo aan marin nidaamkii loogu tala galay in loo maro.

“Marka la rabo in la xiro masaajid ama meel kale waa in lagu wargaliyo maamulka masaajida lagana dhaadhiciyo sababta kaliftay, kadibna la xero iyadoo aan jimco la gaarin, laakiin iyadoo jameecadii soo xaadirtay salaada jimcaha in laguma tukaanayo masjidka la yiraahdo, waxaa ka dhalaneysa fowdo, qaladkaasna waxaa iska leh maamulka gobolka Banadir iyo wasaarada diinta iyo awqaafta” ayuu yiri mid ka mid ah culimada Soomaalida ee Muqdisho ku dhaqan oo intaas ku daray inaan la diidaneyn amarka dowlada balse dariiqa loo maray uu yahay mid qaldan.

Dowlada Somalia ayaan horey warbaahinta uga sheegin amar tilmaamaya in la xirayo Masaajidada, waana talaabo kale oo muujineysa dhaliilaha ay xambaarsan tahay talaabadan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in talaabadan ay hordhac u tahay bandow culus iyo amaro kale oo saacadaha soo socda dowladu ku soo rogeyso caasimada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -