Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Goodax: “Shacabku waa ineysan fududeysan khataraha cudurka Coronavirus”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in haddii cudurkani uu dalka ku faafo aysan jirin awood looga hortagi karo balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla bari .

Wasiirka ayaa xusay in uu  aad uga walaacsanahay tirada iyo tuhunka sii badanaya ee cudurkan saf-marka ah ee dhibaatada badan ku haya bulshada caalamka ,isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurka,balese dadku badankood ay yareysanayaan qatarta la filan karo.

“Maanta maalin aan uga baahi badannahay majirto in aan midowno, is-maqalno, is-kaalmeyno, isla markaana meel uga soo wada jeesanno sidii aan uga hortagi lahayn cudurkan, si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan dadkeena, maadaama tabar, dhaqaatiir, qalab iyo goobo caafimaad oo aad u haboon aanaan heysan”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo mar kale garab istaagtay Soomaaliya iyo DFS oo ka mahadcelisay

Cabdi Cade

Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo si toos ah u howl galay

Cabdi Cade

(Daawo Video) Dagaal weyn oo laga baqayo in uu aduunka ka dhaco iyo Wararkii ugu danbeeyay 24 ka saac ee Somaliya!!

admin
Taboola Ads ---